Kaalinta ay warbaahintu ku leedahay Nabadeynta iyo Amniga Qaranka
Author:
Hiss
Published Date:
09-12-2024
Time to read:
5 Minutes
Category:
Event
Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga ayaa maanta u qabtay ardayda dhigata dibloomadda sare, siminaar Cinwaankiisu ahaa kaalinta ay warbaahintu ku leedahay Nabadeynta iyo Amniga Qaranka. Waxaana soo jeedinayay khaabiir arimaha warbaahinta Ustaad Yuusuf Xasan Macalim oo ku dhawaad 20 sano lasoo shaqeeyay BBC-da.
Wariyaha ayaa si qoto-dheer ah uga hadlay waxyaabaha laga doonaayo qofka ku dhex jira saxaafadda asigoo sharraxaad ka bixiyay shaqada laga rabo wariyaha, shuruudaha laga doonaya wariyaha saxda ah iyo arimo kale oo ku saleesan waaqiciga lagu jiro.
Ugu dambeyntii, Ustaad Yuusuf oo ah wariye rugcadaa ah ayaa ku booriyay ardayda in saxaafada muhiimad gaar ah u leedahay arimaha Nabadeynta iyo Amniga Qaranka.
=DHAMMAAD=
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
web: The Higher Institue for Security Studies
Facebook:Hiss - Facebook